439137101_830036312491872_771066632817301863_n.jpg
Shaqaalaha Waaxda Shidaalka ee Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL ayaa safar kormeer iyo dabagal ah ku tagay gobolada Togdheer & Saraar safarkan oo ujadadiisu ahayd kormeerida n adeeg caafimaad oo shirkadaha shiidaal baadhista ee Genel energy iyo CPC muddo 3 bilood ah deegaanada dhaca Block SL10B/13 ee gobolada Togdheer & Saraar.
Waftiga kormeerka waxaa hogaaminayey Madax-qeybkeedka Cilmiga dhulka ee waaxda Shiidaalka Siciid Cali, weftiga ayaa soo kormeeray 20 Degmo/tuulo oo dhaca Block SL10B/13 loona qoondeeyay inay muddo 4 bilood ah helaan adeega caafimaad oo wareega , kuwaas oo kala ahaa 14 Degmo/tuulo oo ka tirsan gobolka Togdheer ah iyo 6 Degmo/tuulo oo ka tirsan Gobolka Saraar.
Adeega caafimaad ee ay ku bixiyeen kharashaadkiisa Genel energy iyo CPC oo ay fulinaysaynaa hay’ adda Shifaat ayaa ujadadiisu ahayd in deeganada laga sahaminaayo shidaalka laga fuliyo adeegyo bulshada loogu talo galay, isaga oo adeegan uu ila hada adeeg caafimaad ay heleen dad kor uu dhaafaya 10 kun oo qof.
Ugu danbayntii saraakiisha kormeer iyo indho-indhaynta kusoo maray deegaanada ay ka socdaan adeega caafimaad ayaa la kulmey gudoomiyayaasha iyo dhamaan bulshada ka faaidaysaytay adeegan si ay u ogaadaan qaabka looga faa’iideystay adeega caafimaad iyo hadii ay jiraan caqabadaha ku gedaaman si kor looga sii qaado halka aynu maanta joogno.